Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo si wadajir ah uga soo Horjeesatay Muddo Kordhinta Loo...

Beesha Caalamka oo si wadajir ah uga soo Horjeesatay Muddo Kordhinta Loo sameeyay Farmaajo

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.

Qaraarka 12kii Abriil wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku qanacsannahay in hirgelinta heshiiskii 17kii Sebtember uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo sidaa darteed, waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.

Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember.

Ad
Previous articleWar deg deg Ah:- Ku Dhawaad 40 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo digniin soo saaaray
Next articleDeg Deg Janaraal Saadaq Joon oo Ciidamo Fara badan wata ayaa Goor dhaw Degay Xaafadaha Albaraka iyo Shiirkole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here