Home Wararka ugu Muhiimsan War deg deg Ah:- Ku Dhawaad 40 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka...

War deg deg Ah:- Ku Dhawaad 40 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo digniin soo saaaray

0

Ku Dhawaad 40 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug kuna kulmay Dhuusamareeb ayaa digniin Culus u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Faadumo Faandhe oo sida ay Xildhibaanadu Sheegeen ay Villa Soomaaliya doonayso in ay u adeegsato Qalalaaso Siyaasadeed oo Laga Abuuro Galmudug Xiligaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo isbahaysi balaaran oo ay Maamulka Galmudug ku difaacayaan Samaystay ayaa sheegay Haddii aanay Gudoomiye Gacal iyo Faadumo Faandhe Ka waantoobin waxa ay Wadaan in ay Xilka Ka Xayuubin Doonaan.

Baarlamaanka Galmudug oo kol hore Mooshin xil ka qaadis ah ka keenay Gudoomiye Gacal ayaa waxaa ka badbaadiyay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor balse iminka gacal ayay madaxtooyada Soomaaliya doonaysaa in ay u adeegsato iska horkeenida Baarlamaanka iyo Madaxda Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo iska diiday soo dhaweynta Mudo kordhinta Farmaajo iyo abaabul socda
Next articleBeesha Caalamka oo si wadajir ah uga soo Horjeesatay Muddo Kordhinta Loo sameeyay Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here