Home Wararka Maanta Sudaan oo Markale oo looga dhawaaqay Xabad Joojin iyo Mareykanka oo...

Sudaan oo Markale oo looga dhawaaqay Xabad Joojin iyo Mareykanka oo ka hadlay

0

Ciidamada milatariga Sudan iyo kuwa RSF ayaa markii saddexaad gaaray heshiis xabbad-joojin ku meel gaar ah, inkastoo heshiisyadii xabbad-joojinta ay horey u gaareen dhinacyadan dagaalka u dhaxeeyo sidii la rabay aysan u dhaqan-gelin.

Wadahadalo socday in ka badan 48-saacadood ayaa ciidamada milatariga hoggaankooda iyo kuwa RSF ku heshiiyeen xabbad-joojin 72 saacadood ah , heshiiskan ayaana dhaqan-galay xalay saqdii dhaxe.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa xaqiijiyay heshiiska xabbad-joojinta ay gaareen dhinacyada ku dagaalamaya Sudan, waxa uuna xusay in heshiiskan ka dhashay wadahadalo saacado badan socday kaddib.

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Suudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale.

Dagaalka ka socda dalka Sudan waxaa ku dhintay dad ka badan 400-qof , waxaana ku dhaawacmay dad kale oo intaasi ka badan, dagaalka ayaa sidoo kale sababay in laga barakaco qeybo badan oo kamid ah magaalada Khartuum.

Ad
Previous articleMadaale oo War kasoo saaray Goobaha Uu Weerary ee ku Yaala Muqdisho Digniin Adagna Diray
Next articleWariye caan ah oo ka naxay si lama filaan ah oo shaqada loogga eryey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here