Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Dowlad Degaanka soomaali Galbeed iyo Dagaal...

Alshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Dowlad Degaanka soomaali Galbeed iyo Dagaal Qaraar oo Socda

0

Dagaalo culus ayaa tan iyo shalay ka socda deegaanada kuyaala xaduuda ay wadaagaan Soomaaliya (K/Galbeed) iyo Dawlad deegaanka Soomaali State, kooxo Alshabaab ah oo abaabulan ayaa shalay weeraro ku qaaday 3 kamid ah rugaha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa gaarka ah ee dawlad deegaanka.

Khasaare xoogan ayaa kadhashay weeraradaas, maleeshiyaad kale oo katirsan kooxahan Argagixiso, nooca ay yihiin ay warar is burinaya ay kasoo baxayaan ayaa xooga saaray in ay katalaaban deegaanada Xaduuda, gaar ahaana kuwa ku beegan gobalka Afdheer ee Dawlad deegaanka, waxaana damacani muujiyey dareen ka duwan kii Argagixiso ee horey u cadaa.

Isku daygooda ayaa kuwajahnaa in ay gaaran Dhul buuraley ah oo kudhaw deegaanka Ceelkari ee gobalka Afdheer, waxaana bilowgooda dagaalka ay damiyen dhammaan isgaarsiinta dhinaca Soomaaliya, oo ay awood uyeesheen, ilaa haddana aan faahfaahin laga heynin sababta kudhacday, maanta dagaalo culus ayaa socda.

Ciidanka Xooga gaarka ah ee Dawlad Deegaanka ayaa iskugu soo dagay dhammaan dhulka Xaduudaha ee ay kooxahani soo galeen, waxaana la xaqiijiyey amarka ah duulaan toos ah oo lagu tirtiryo kooxahan soo duulay.

Sida ay sheegayaan xogaha ilaa hadda lahayo kooxo iskaashaday ayaa qaaday dagaalkan kuwajahan Soomaali Galbeed, wali dawladda Deegaanka iyo Dawladda Itoobiya kama aysan hadli .

Ad
Previous articleErgayga Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Saraakiisha ATMIS (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Tanzaaniya (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here