Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Tanzaaniya (Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Tanzaaniya (Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas Marwo Ashuta Kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doona Shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’idada ay soo kordhinayso xubin-ka-noqoshada Soomaaliya ee dalladda, iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo waxsoosaarka dalkeenna.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Dowlad Degaanka soomaali Galbeed iyo Dagaal Qaraar oo Socda
Next articleMadaxweyne Mustaf Cagjar oo Gaaray Magaalada Goday Xili Dagaalyanada Alshabaab Weerar Culus ku Qadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here