Home Wararka Maanta Ergayga Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Saraakiisha ATMIS (Sawiro)

Ergayga Madaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Saraakiisha ATMIS (Sawiro)

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxda ugu sarreysa Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika (ATMIS).

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Abaaraha dalka iyo kaalinta Midowga Afrika gaar ahaan ATMIS ay kaga qayb qaadan karaan Gurmadka Abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Afrika kaalintooda ku aaddan nabad ilaalinta iyo gacan siinta dhanka amniga ee howlaha gargaarka.

Ugu danbeyn, madaxda ugu sarreysa ATMIS oo iskugu jiray qaybahooda kala duwan ee nabad ilaalinta iyo gargaarka ayaa si wadajir ah ugu ballaan qaaday Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha joogteynta iyo xoojinta howlaha Gurmadka Abaaraha ee dalka.

Ad
Previous articleHaweenay Alshabaab Lagu Eedeeyay oo Lagu xukumay 15 sano
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Dowlad Degaanka soomaali Galbeed iyo Dagaal Qaraar oo Socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here