Home Wararka maanta Daawo sawirada hooyo daanyeer ah oo qaliin lagu sameeyay & cunigeeda yar...

Daawo sawirada hooyo daanyeer ah oo qaliin lagu sameeyay & cunigeeda yar oo dhaqaatiirtii ka yaabsaday !!

0

Isbitaal Xayawaanaadka lagu daaweeyo oo ku yaala magaalada Aalborg ee dalka Denmark ayaa waxa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in lagu cibrad qaato maadaama Daanyeerkuba dareemay naxariista iyo xuquuqda waalidku ku leeyihiin caruurtooda.

Hooyo Daanyeer ah oo 40 sano jir lagu sheegay (Jutta) ayaa waxaa lagu suuxiyay cirbad, ka dibna Dhaqtarkii ayaa ka saaray 4 ka mid ah ilkaheeda oo in mudo ah xanuun daran ku hayay balse waxaa la yaab noqotay intii Hooyadaan Daanyeerka ah suuxsaneed ayaa waxaa ka dul tagi waayay oo xabadka kaga seexday cunug yar oo ay dhashay kaas oo lagu magacaabo (My) waana 2 sano jir.

Dhaqaatiirtii qaliinkaan sameeysay ayaa ugu dambeeyntii ku guuleeysatay waxaana iminka si caadi ah iskula nool Jutta oo ah Daanyeerkii afka laga qalay ee la suuxiyay iyo cunigiisa yar (My) oo labaduba ku wada nool xarunta Xayawaanaadka ZOO Aalborg ee dalka Denmark .

Yaasir Jarmal



10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here