Home wararka Dalka Maxkamada Gobolka Banaadir oo lasoo taagay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland

Maxkamada Gobolka Banaadir oo lasoo taagay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland

0

Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir lasoo taagay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Amniga Jubbaland waxaa maxkamada Gobolka Banaadir lala soo taagay Buulle Aadan Maxamed oo taliye ciidan kasoo noqday Degmooyinka Doolow iyo Gedo.

Wasiir Janan iyo Sargaalkan Maxkamada lasoo taagay ayaa loo heestaa dambiyo dhinaca bini’aadanimada ka dhan ah ay ka geesteen degmada Doolow ee gobolka Gedo xili ay halkaasi ka talinayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Dambiyada loo heesto labadan xubnood ay kamid yihiin dilal loo geestay dad aysan Maxkamad xukumin oo ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Doolow.

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo sargaalkan ciidan ayaa markii ugu horeesay Maxkamad loo soo taagay dambiyadan lagu soo eedeeyay, waxaana la filayaa in mar kale kasoo hor muuqdaan Maxkamada qaadaya kiisaska dacwo ee loo heesto.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here