Home Wararka Somaliya Jubbaland Muxuu Axmed Madoobe ka yiri Heshiuska ay Gaareen Dowlada Soomaaliya iyo ...

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri Heshiuska ay Gaareen Dowlada Soomaaliya iyo Tan Kenya?

0

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dib u furista xuduudka Dalkeennu uu la wadaago wadanka Kenya, oo ay heshiis ku gaareen dowlada Federaalka ah iyo dowlada Kenya.

Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah.

Furitaanka xuduudka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo Degmada Mandhera ee ayaa la furi doona mudo 30 maalmood ah kadib. Sidoo kale xuduudka degmooyinka Dhoobley ee Jubada Hoose iyo Libooyo oo katirsan Garissa  ayaa la furi doona 60 maalmood kadib.

Sidoo kale -xuduudka Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanka Kiunga ee Lamu County ayaa la furi doona 90 maalmood kadib.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan oo mudo dheer xiraa isla markana ay dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo Bulshada walaalaha ah ee labada dhinac.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Dagaal Culus oo Ka Socda Magaalada Garowe
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Socda Duleedka Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here