Home Wararka Somaliya Puntland WAR DEG DEG AH:Dagaal Culus oo Ka Socda Magaalada Garowe

WAR DEG DEG AH:Dagaal Culus oo Ka Socda Magaalada Garowe

0

Dagaal ayaa ka socda saaka agagaarka garoonka dayuuradaha magaalada Garowe iyo kantaroolka bari ee magaaladaas, kaasoo la isku adeegsanayo hub kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo socda muddo saacado ah uu bilowday xalay saqdii dhexe markii ay fooda is dareen ciidamo taageersan Deni oo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka ee gobollada Bari iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo ka soo horjeeda doorashada uu Deni gadaal ka riixayo.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, balse weli lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo bayaan soo saaray ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod, si aysan u sababin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Madaxda Dowlada Somalia ayaa horey uga digay in Doorashooyin aan la isku raacsaneyn oo laga qabto Puntland ay sababi karaan qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo sababa iney meesha ka baxaan amniga iyo horumarka ay ku talaabsadeen degaanada Puntland.

Ad
Previous articleAskari Dilay Askari kale oo Dalka Dibadiisa U baxsady oo ugu Danbayn Laga Soo Dajiyay Garoonka Aadan caade
Next articleMuxuu Axmed Madoobe ka yiri Heshiuska ay Gaareen Dowlada Soomaaliya iyo Tan Kenya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here