Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Socda Duleedka Laasacaanood

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Socda Duleedka Laasacaanood

0

Dagaal ayaa ka qarxay deegaanada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool, Laascaanoodna uga beegan dhinaca Hargeysa masaafo durugsan, waxaana u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidanka Somaliland.

30-kii daqiiqo ee lasoo dhaafay ayuu socdaa dagaalkani, iyadoo ay Somaliland xooga saarayso in ay ciidamada deegaanka ee goobahaas kusugan ka durjiso wadada dheer ee laamiga ah, oo u ah calaqadka muhiimka ah ee ay Sahayda, dhaawacyada iyo Saadkaba u maro taliska Goojacade.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa xalay u hoyday magaalada Burco, isagoo lafilayo in uu soo gaaro isla maanta magaalada OOG ee gobalka Sool,taas oo masaafo kooban u jirta deegaanada dagaalkan saaka kasocdo.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa kasocda Laascaanood.

Ad
Previous articleMuxuu Axmed Madoobe ka yiri Heshiuska ay Gaareen Dowlada Soomaaliya iyo Tan Kenya?
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka dhacay Duleedka Garawe iyo Khasaaraha ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here