Home galmudug Madaxda Maamul Goboleedyada qaar oo Nairobi kula kulmay Danjire Donald Yamamoto + Sawiro

Madaxda Maamul Goboleedyada qaar oo Nairobi kula kulmay Danjire Donald Yamamoto + Sawiro

0

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Danjire Donald Yamamoto .

Kulankan ay yeesheen Madaxda, Galmudug, Puntland , Jubbaland iyo safiirka Mareykanka ayaa looga hadlay arimo ay kamid yihiin  Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ay cabasho ka dhan ah Dowlada Federaalka u gudbiyeen Safiirka dowlada Mareykanka, waxa ayna ka codsadeen in loo ogolaado la macaamilka tooska ah badalkii lasoo mari lahaa dowlada Federaalka.

Danjire Yamamoto ayaa ku amaanay maamul goboleedyada in ay deegaanadooda ka hirgeliyeen xasilooni ,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba la yeeshaan Maamulada .

Madaxda Maamulada Galmudug,Puntland iyo Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo kala duwan la qaatay safiiro iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamaka gaar ahaan kuwa arimaha Soomaaliya daneeya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here