Home wararka Dalka Maxaa keenay in Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur laga reebo Khudbad jeedinta Caleemo...

Maxaa keenay in Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur laga reebo Khudbad jeedinta Caleemo saarka Saciid Deni.

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Garowe khudbadaha xafladda caleemo saarka ayaa laga reebay siyaasiyiin uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii madaxtooyada Soomaaliya ay dalbatay inaan wax khudbad ah la siin siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, taasoo shardi looga dhigay khudbad uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo, arintaasna waxay keentay in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu u yeero siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, isagoo ka codsaday inuu ogolaado inaan wax khudbad ah laga siin xafladda caawa ee caleemo saarkiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ogolaaday codsiga Madaxweyne Deni, isagoo goobjoog ahaan uga qeyb galay waxaana dhinaca kale madaxweyne Deni uu ka codsaday madaxda maamul Goboleedyada inaysan soo hadal qaadin khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo madaxweyne Farmaajo taasi oo laga dheehday xaflada soo idlaatay.

Cabdi shakuur ayaa aad ugu dhow madaxweynaha Puntland Siciid Deni isagoo ka ogolaaday talo soo jeedintaasi kana tanaasulay khudbadiisa.

Mudug24 Garoowe

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here