Home Wararka Somaliya Maxaa Sabab u ah in guul laga gaaro Cabsida laga Qabay Doorashooyinka...

Maxaa Sabab u ah in guul laga gaaro Cabsida laga Qabay Doorashooyinka Galmudug ee Barlamanka

0

Marka la eego Doorashooyinka ka bilowday Somaliya Qeybta Galmudug ayaa heyd doorashada kaliya ee cabsida laga dareemayay iyadoo ay jiraan Sababo dhoor ah.

Doorashada Galmudug waxaa ku tartamayay siyaasiyiin kala duwan kuwaasi oo fakar ahaan iska soo horjeeda dhaqaalo ahaana awood badan.

Labo Garab ayaana ugu weynaa dhinacyada isku hayay Dhuusomareeb dhanka Dowlada hada taladaheyso iyo dhinaca kale oo ah siyaasiyiin Dowlada kasoo horjeeda lakin mararka qaar kala fakar duwan.

Cabsida ugu weyn ayaana aheyd in siyaasiyiinta Qaar ay isku qabsadaan kuraasta meesha taala lakin taasi badalkeeda Galmudug ayaa noqotay maamulka ugu horeeyay ee doorashooyinka soo afjara iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday.

Maxaa Sabab u ah

Dadka siyaasada Falanqeeya ayaa Sababta ugu weyn ku sheegay in uu jiro isfahan bulshada Galmudug ee ku aadan in aan dhibaato loo horseedin Maamulka loona tanaasulo dadka qaar.

Tusaale hadan u soo qaadano Kursiga uu ku fadhiistay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur waxaa ka timid dood adag lakin dadka deegaanka iyo beesha Kursiga leh ayaa si hoose u dhameesatay Khilaafka jira.

Dowlada somaliya ayaana weyday fursad ay meesha ka hesho waxana qasab ku noqotay inay aqbasho wixii halkaasi kasoo baxay iyadoo Madaxweyne Qoor Qoor uu u hambalyeeyay waliba marti qaad u sameeyay xubnaha qaar oo khilaaf ka dhex jiray.

Mudug24 Dhuusomareeb

Ad
Previous articleCabdi Raxmaan Cabdi shakuur oo ka hadlay hadal heynta Sawir uu la galay Siyaasiyiin uu ku jiro Madaxweyne Qoor Qoor
Next articleRuushka oo go’an kasoo saaray Ciidankiisa ku sugan Xadka Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here