Home Wararka caalamka War Hada Ah Weerar ka dhacay Baar ku yaalla Dalka Mareykanka.

War Hada Ah Weerar ka dhacay Baar ku yaalla Dalka Mareykanka.

0
SHARE

Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan warar sheegaya rasaas lagu furay baar ku yaalla gobolka California ee dalka Maraykanka.

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay baarka Borderline Bar and Grill balse ma cadda in ay dad ku dhinteen.

Muuqaal laga baahiyay warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad laga sii wado goobta uu shilku ka dhacay, kuwaas oo ay u badan tahay in ay dhaawacyo xabbad qabaan.

Booliiska ayaa dadka ka dalbaday in ay isaga fogaadaan goobta rasaasta laga soo sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here