Home Wararka Caalamka Mareykanka oo hub uu Turkiga ka mamnuucay u fasaxay waddan kale oo...

Mareykanka oo hub uu Turkiga ka mamnuucay u fasaxay waddan kale oo ka tirsan Aasiya

0

Isbuucii lasoo dhaafay, Aqalka Wakiillada ee Mareykanka ayaa meel mariyay hindise sharciyeed dowladda Hindiya si gaar ah ugu fasaxaya in ay Ruushka kasoo iibsato gantaallada difaaca ee casriga ah.

Sharci dajiyeyaasha Mareykanka ayaa xukuumadda Delhi siiyay mudnaan gaar ah oo looga bixiyay liiska dalalka cunaqabataynta laga saaray inay hubkaas yeeshaan.

Washington ayaa horay u muujisay in gantaalladan ay ka mid yihiin hubka aysan Mareykanka dani ugu jirin inay waddamada yeelanaya sii bataan, inkastoo uu ka mid yahay qalabka militeri ee uu Ruushka haysto.

Waxaa gebi ahaanba uu Mareykanku mamnuuc ka dhigay in gantaallada S-400 laga iibsado dalalka ilaa hadda gacanta ku haya oo kala ah Iiraan, Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa wali laga sugayaa in uu saxiixo sharciga Hindiya fasaxaya, si loo dhaqan geliyo, balse tallaabadan ayaa horumar wayn u ah Hindiya.

Gantaallada S-400 waa qalab hawada ku sii daaya gantaallo ka hor taga madaafiicda lagu soo weeraro waddan.

Ruushka ayaa markii ugu horraysay farsameeyay hubkan, oo aad looga danaynayo dalal badan.

Sanadkii 2018-kii ayay Hindiya gantaallada S-400 kasoo iibsatay Ruushka, waxa ayna ku bixisay lacag dhan $5 bilyan oo doolar.

Balse ilaa xilligaas waxaa socotay hadal-hayn ku saabsan in Mareykanka uu cunaqabatayn kusoo rogi doono waddankan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Muddo sannado ah waxa uu khilaaf ka dhashay isla hubkan u dhaxeeyaa Mareykanka iyo Turkiga.

Xukuumadda Washington ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Ankara kaddib markii ay shaacisay inay Ruushka ka iibsatay qalabkaas.

Waxaa kale oo uu Mareykanku ka baxay mashruuc uu lacagtiisa qaatay oo uu Turkiga uga iibinayay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso inay Ruushka ka soo iibsato qayb labaad oo ah gantaallada S-400.

Hase yeeshee Durbadiiba Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri: “Waxaan uga digeynaa Turkiga inuu qalab dheeraad ah oo militari ka soo gato Ruushka.”

Laakiin maamulka Erdogan ayaa u muuqday in uu dhagaha ka furaystay digniinta Washington

 

 

 

 

Ad
Previous articleSaraakiil ka tirsan Maxkamada ciidamada DF oo gaaray furumaha dagaalka Xili La Filaayobin Dagaalo Culus bilowdaan (Sawirro)
Next articleCIA-da Mareykanka oo war ka soo saartay xanuunka cansarka ah ee la sheegay in Putin uu ku dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here