Home Wararka Somaliya Cazaam Cabdi Cilmi oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa...

Cazaam Cabdi Cilmi oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa Dilkiisa

0

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Cilmi (Cazaam) ayaa lagu dilay xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka gaystay ay ahaayeen burcad dooneysay inay ka dhacaan teleefankiisa gacanta. Sida ay sheegeen dadka deegaanka kooxahaasi ayaa rasaas huwiyay marxuumka.

Ciidanka Booliska ee Degmada Hodan ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen dilka ninkaasi dhallinyarada ah loogu gaystay degmadaasi.

Bashiir Salaad Cali oo ay saaxiibo ahaayeen marxuumka ayaa sheegay in xilligan uu ka mid ahaa Shaqaalaha Isbitaalka Madiina.

Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay kooxaha burcadda ah, ee xilliyada habeenkii dadka ku baarta magaalada.

Ad
Previous articleXubna ka Tirsan Musharaxiinta oo diiday Casha sharaf uu sameeyay Qoor Qoor
Next articleBeesha caalamka oo Farmaajo shir layeelanaaya Maantay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here