Home Wararka Somaliya Galmudug Xubna ka Tirsan Musharaxiinta oo diiday Casha sharaf uu sameeyay Qoor Qoor

Xubna ka Tirsan Musharaxiinta oo diiday Casha sharaf uu sameeyay Qoor Qoor

0

Ila xog ogaal ah oo u dhaw Midowga Musharaxiinta Ayaa Warbaahinta la wadaagay in inta badan Xubnaha Midowga Musharrixiinta ay xalay ka baaqdeen Casho Sharaf uu ku casuumay Madaxweynaha Galmudug  Mudane Axmed Cabdi kaariye  Qoorqoor.

 

Madaxweyne Qoor Qoor oo shalay gaaray Muqdisho Ayaa xalay casha sharaf u sameeyay Madaxda Musharaxiinta Balse Waxaa la Sheegay inay diideen Xubno Musharaxiinta ka Tirsan.

Kulanka Cashadda ah ayaa waxaa tegay Shiikh Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii Dowladda KMG aheed ee Dalka iyo Xasan Cali Kheyre Ra’isul Wasaarihii Hore ee Dalka oo kaliya, wxaana ka maqanaa Goobta  Xubnaha kale ee Midowga Musharrixiinta oo ay kamid yihiin Abdirahman Abdishakuur iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Sababta ayaa lagu sheegay in Xubnaha Midowga ay ka doonayaan Madaxweyne Qoorqoor in la yimaado mooqif rasmi ah oo ku aadan Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Kenya iyo Xog haya arimaha Dibada Mareykanka oo kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya
Next articleCazaam Cabdi Cilmi oo lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa Dilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here