Home Wararka caalamka Dowlada Sacuudiga oo sheegtay in diyaar u tahay Ciidan u direyso Dalka...

Dowlada Sacuudiga oo sheegtay in diyaar u tahay Ciidan u direyso Dalka Suuriya..

0
SHARE

Wasiirka Arrimaha Dibada Abdel Jubeir ayaa Salaasadii shalay Sheegay in ay dowladiisa wadahadal kula jirto Maraykanka inay ciidamo u diraan wadanka Siiriya.

Boqortooyada Sacuudiga oo walaac ka muujineysa inay ciidamada Maraykanka isaga baxaan dalka Siiriya, sida uu marar badan ka dhawaajiyey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan wadanka Siiriya.

Sacuudiga ayaa horey qorshahan ugu bandhigay dowlada Maraykanka, balse waxaa qorshahan ka horyimid qaar kamid ah madaxda Maraykanka oo shaki geliyey awooda ciidamada Sacuudiga oo illaa iyo hada ku guuleysan dagaalka sadexda sano ka socda dalka Yemen oo ay kula dagaalamayaan kooxda Xuuthiyiinta.

Hadalka kasoo yeeray Sacuudiga ayaa la xariira tartanka ay dowladaha shisheeye ugu jiraan inay awooda ku yeeshaan dalka Siiriya oo hada kala qeybsan.

Dalkaasi ayey hada ku sugan yihiin ciidamada Ruushka & Iran oo taageera Bashar Al Assad kuwaasi oo xoogooda ku sugan Galbeedka iyo Bartamaha dalkaasi, halka Turkiga uu dhul balaaran ka qabsaday Waqooyiga oo ay sidoo kale ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka ee gacanta siinaya Kurdida dhulkaasi ku nool, halka Sacuudiga uu hada daneenayo inuu isaguna la wareego qeybo kamid ah Bariga wadanka Siiriya.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here