Home Wararka Maanta Israail oo Diiday Go,aankii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soo Dhawaysay

Israail oo Diiday Go,aankii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soo Dhawaysay

0

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Salaasadii sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaadhayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas iyo nidaamkooda dawliga ah, isla markaana ay tahay inay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa isagu sheegay inay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, inaanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Sarkaal sare oo u dhashay Israa’iil ayaa Salaasadii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay Qatar dib ugaga yeedheen xubnihii ku metelayey wadahadalada, ka dib markii la is mari waayey, gaar ahaan in Xamaas ay sii dayso maxaabiista ay hayso.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Labaatan kun oo Doolar Siiyay Majiidu Raxmaan(Sawiro)
Next articleGalmudug oo Dil Toogasha ah ku Xukuntay Cabdi Maxamuud Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here