Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Labaatan kun oo Doolar Siiyay Majiidu Raxmaan(Sawiro)

Xasan Shiikh oo Labaatan kun oo Doolar Siiyay Majiidu Raxmaan(Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa xalay bixiyay abaal-marino lacag ah, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Villa Soomaaliya, taas oo ay ka qayb-galeen wasiiro, duqa Muqdisho iyo Culimo.

Abaal-marinadan oo la bixiyay xilligii afurka aya waxaa lagu maamusay Tartameyaasha Qu’raanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa munaasabadan abaal-marino lacag ah ku guddoonsiiyey ardayda kaalmaha hore galay too gaaraya illaa todobo, kuwaas oo isku jiro gabdho iyo wiilal.

Abaal-marinada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay:-

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.

2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.

3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.

4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.

5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.

6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.

7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

Sidoo kale wuxuu aad u boggaadiyay macallimiinta iyo waalidiinta kusoo dadaalay ardayda guuleysatay iyo dhammaan kuwii ka qayb-galay musaabaqada.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka” ayuu khudbaddiisa jku yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay xujo ku tahay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeeyay inay suurad xumeynayso diinta Islaamka.

“Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Quraan”. ayuu sii raaciyay.

Sanad kasta marka laga gaaro bisha Ramadaan ayay dowladda dhexe qabataa tartanka Qur’aanka Kariimka, waxaana soo qaban qaabiso wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Ad
Previous articleNinkii Dilay Wariye Bulxan oo Maxkamada ka Hor Sheegay Arin lama Filaan ah
Next articleIsraail oo Diiday Go,aankii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soo Dhawaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here