Home Wararka Maanta Galmudug oo Dil Toogasha ah ku Xukuntay Cabdi Maxamuud Xaashi

Galmudug oo Dil Toogasha ah ku Xukuntay Cabdi Maxamuud Xaashi

0

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun adag ku ridday gacan ku dhiigle Cabdi Maxamuud Xaashi oo horay duleedka degmada Caabudwaaq ugu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxkamadeynta ninkan oo ka dhacday isla Caabudwaaq ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Cabdi Maxamuud Xaashi oo kahor hadlay maxkamadda ayaa dhankiisa qirtay inuu dilka gaystay, kaas oo ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Caabudwaaq.

Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda gobolka oo soo oogay dawcaddan ayaa goobta kusoo bandhigay caddeymo muujinaya dilkaasi, marqaatiyaal iyo qoraygii wax lagu dilay.

Intaasi kadib garsooraha maxkamadda oo lagu magacaabo Axmed Salaad Kulane ayaa ku dhowaaqay go’aanka, wuxuuna sheegau in dil toogasho ah lagu xukumay Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.

Ehellada marxuumka oo iyaguna goobta ku sugnaa ayaa soo dhaweeyay xukunka ay ridday maxkamadda gobolka Galgaduud oo ah in la qisaasayo gacan ku dhiiglaha.

Isla maxkamaddan ayaa shalay u fariisatay kiiska ninkii dilay Weriyihii Telefishinka Qaranka ee degmada Caabudwaaq Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo 13 bishaan dilay Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan ayay maxkamaddu siisay fursad uu uga warbixiyo dembiga loo heysto, wuxuuna si cad i qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay.

Ninka dilka geystay ayaa codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taas oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

Kadib qirashada gacan ku dhiiglaha guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.
Ad
Previous articleIsraail oo Diiday Go,aankii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Soo Dhawaysay
Next articleGudoomoyihii Dhawaan loo Magacaabay Hiiraan oo Gaadiid Dagaal badan Wata oo Gaaray Bakadwayne iyo Dagaal laga Cabsi Qabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here