Home Wararka Somaliya Galmudug Faah faahin ku saabsan Qarax miino oo ka dhacay Galdogob (Sawiro)

Faah faahin ku saabsan Qarax miino oo ka dhacay Galdogob (Sawiro)

0

Qaraxa oo ahaa Miino, ahayd haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Ethopia iyo kii jamhadihii ay Dawlada Soomaliya is hayeen dhulka lagu aasay ayaaa xalay xilli danbe la kacay gaari Probox ah oo dad Shacab ah wateen .

Inta la xaqjiiyey darawalkii gaariga ayaa geeryooday halka dadkii gaariga la socday uu soo gaarey dhaawacyo kala duwab.

Gudoomiyaha degmada Goldogob, Abdiqafar Shikh Ibrahim ayaa gaarey goobtu Shilku ka dhacay.

Gudoomiyaha Dagmada ayaa baaq u diray hay’adaha Miina-saarka ka shaqeeya in ay si rasmi ah uga shaqa bilaabaan Dagmada Galdogob, oo ah halka ay ku aasanyihiin inta badan Miinooyinkii ay Aaseen Ciidamadii dirirtu dhexmartay ee Somalia iyo Ethiopia sanadkii 1977 iyo kuwii ka dambeeyey.

Dhacdadaan ayaa noqonaysa tii Afraad labadii sano ee dunbaysay ee degaanka ka dhacda.

Ad
Previous articleWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo soo garaay Dhuusamareeb
Next articleMuuse Biixi oo eed Culus Dusha Uga Tuuray Xisbiyada Mucaaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here