Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo soo garaay Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo soo garaay Dhuusamareeb

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga waxaa Dhuusamareeb ku soo dhaweeyày Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug sida, Wasiirka Wasaradda , Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganeey iyo duqa Msgaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow.

Ujeedka Safarka wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu u tegay Dhuusamareeb ay la xiriirto u kuur-galida mashruuca baxnaano ee taakuleynta dadka abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan Gobolka.

Wasiirka ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ad
Previous articleMagaalada Nairobi oo lagu laayey Toban nin oo hubeysan (Sawirro)
Next articleFaah faahin ku saabsan Qarax miino oo ka dhacay Galdogob (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here