Home Wararka Somaliya Somaliland Muuse Biixi oo eed Culus Dusha Uga Tuuray Xisbiyada Mucaaradka

Muuse Biixi oo eed Culus Dusha Uga Tuuray Xisbiyada Mucaaradka

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo saaka ka hadlayey munaasabad ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in labada Xisbi ee mucaaradka ugu waaweyn ee Wadani iyo UCID ay diidan yihiin in xisbiyo kale ay ka qeyb qaataan doorashada.

“Ururrada la furayo ee kharash garoobaya doorashada geli maayaan bay dhaheen. taasina sharci uma hayaan Maxkamad baana go’aamisee ku noqdaan ku iri” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa sheegay in mucaaradku ay dalbanayaan in xiligeeda la qabto doorashooyinka balse waxaa uu ku eedeeyey in isla iyaga ay carqaladeynaan in doorasho la qabto.

“Doorashadii Madaxweynaha waqtigeedii halla qabtay yidhaahdeen,  taasna cidi ma diidadanee guddidii doorashooyinka ee shaqadaa lahayd oo dhexdooda dhibi ka timi degdeg baan u soo magacaabay, laakiin saddex buu baarlamaanku reebay, cidda diiddayna waxay wada ahaayeen xildhibaannada xisbiyada mucaaridka ah” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaas ku daray iney diyaar u yihiin qancinta xisbiyada gadoodsan ee Mucaaradka.

“Diyaar baan u ahay inaan walaalladay qanciyo faq iyo fagaareba wixii ay rabaane aynu kala gar qaadanno”ayuu intaa ku daray Muuse Biixi.

Labada Xisbi ee ugu waaweyn mucaaradka ee UCID iyo Wadani oo shalay shir jaraaid qabtay ayaa sheegay iney burbureen wadahadalkii ay kula jireen Maamulka Somaliland ee la xiriiray doorashada, iyagoo ku hanjabay iney qaadi doonaan talaabooyin adag.

Ad
Previous articleFaah faahin ku saabsan Qarax miino oo ka dhacay Galdogob (Sawiro)
Next articleP.M Xamse Cabdi Barre oo raaligalin siiyey Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here