Home hirshabeelle Dhageyso Dowlada oo ka Hadashey Weerarka lagu qaaday Guriga Cabdi Raxman Cabdi...

Dhageyso Dowlada oo ka Hadashey Weerarka lagu qaaday Guriga Cabdi Raxman Cabdi Shakuur iyo Dhawiciisa kuna dartay in Maxkamad lasoo taagayo..

1
SHARE

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horeysay weerarkii qorsheysnaa ee xalay lagu qaaday Hoyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Shir Jaraa’id uu Goordhow Warbaahinta u qabtay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Xildhibaan ayaa sheegay in Guriga la weeraray uu ahaa mid laga abaabulayay qiyaano Qaran.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii laamaha amniga tageen Gurigaas ayna dadkii ku sugnaa diideen warqado ruqso oo lagu bari lahaa

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay Siyaasiga Maxkamad ay la tiigsan doonaan isla markaana uu cadaalad heli doono.

Waxaa xiliga uu shirka Jaraa’id qabanayay Afhayeenka Wasaarada hareerihiisa fadhiyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan  Yariisow iyo taliyayaal ciidan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa isna dhankiisa sheegay sheegay in Siyaasiyiin kale ay baaris ku socoto,isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Afayeenka.

Loading...

1 COMMENT

  1. dowkada waxay maraysaa xiligii siyadbare 1989 dadka guryaha lagala bixi jiray qofki hadla dil iyo xarig iyo ineey bililiqeyrto digsiga iyo sariiraha jodariyada ineey gurtan guryaha miyey dowladku tahay aduunku codku waa xor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here