Home wararka Dalka Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Lacag Hal Malyan oo loogu tala Galay...

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Lacag Hal Malyan oo loogu tala Galay Dhismaha Dekada Hobyo oo uu isku difaacay..

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa qirtay in si qaldan ku baxday lacagtii la aruuriyay ee loogu tala galay in lagu dhiso Dekadda Hobyo.

Xaaf oo la hadlay Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lacag dhan Hal Malyan dollar oo loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hobyo uu u isticmaalay sidii uu kursigiisa ugu difaacan lahaa.

”Lacagtii loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hobyo oo gaareysay Hal Malyan oo Dollar runtii waxaa n u isticmaalay in aan isaga difaaco dagaalkii Siyaasadeed ee nalagu soo qaaday” Ayuu Yiri Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug oo qirtay in uu isticmaalay lacagtii loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hubyo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in jeebkiisa lacagtaasi ka bixiyo, inkastoo uusan sheegin xiliga uu bixinayo.

Xaaf oo Xilka ka qaadeen Xildhibaano katirsan Galmudug ayaa lacagta loogu tala galay Dhismaha Dekadda Hobyo iyo lacago kale qaab laaluush ah ugu bixiyay sidii uu kursiga ugu difaacan lahaa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here