Home Wararka Somaliya Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Magaalada Cabud-waaq ee Maamulka Galmudug

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Magaalada Cabud-waaq ee Maamulka Galmudug

0

Wararka aynu ka helayno Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Xalay koox hubysan ay Wiil dhalinyaro ah ku dileen Magaaladaasi, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku addan dilka marxuumka.

Dabley hubsay ayaa la sheegay in gudaha Magaalada ay ku dileen Marxuumka, oo sida la sheegay ka mid ahaa Darawalada isaga kala goosha Muqdisho iyo Caabudwaaq.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in Marxuumka dilkiisu uu yhay mid salka ku haya aano qabiil, waxaana dilka kadib goobta siaga baxsaday dableydii dilkisa ka dambeysay, iyadoo sida la sheegay goobta uu dilku ka dhacay ay gaaareen Ciidanka ammaanka, inkastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin cid loo soo qabtay dilkaasi lo gaystay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Degaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa joogto ka noqotay dilalka salka ku haya aanooyinka Qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay dilal qorsheysan iyo dagaallo toos ah oo salka ku haya aaanooyin qabiil.

Ad
Previous articleMadaxda Jubbaland iyo Puntland oo yeeshay Kulan Hordhac ah
Next articleDowladda Soomaaliya oo Maanta la Wareegtay Gaadiid Ciidan (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here