Home Wararka Maanta Nin boqol kun oo doolar ka dhacay haween kaddib markii uu Shukaansaday

Nin boqol kun oo doolar ka dhacay haween kaddib markii uu Shukaansaday

0

Koox haween ah ayaa u digay haweenka kale in ay baaris ku sameeyaan ragga ay internetka ka bartaan oo ay la haasaawayaan.

Peter Gray oo 35 jir oo haweenka kula kulma barta Tinder ayaa la xiray kaddib markii uu afar haween ah ka dhacay lacag ka badan boqol kun oo doolar.

Mid ka mid ah haweenkii uu lacagta ka dhacay oo ka timid galbeedka Yorkshire ayaa sheegtay in uu burburiyay nolosheeda.

Jessica oo aan aheyn magaceeda rasmiga waxay BBC u sheegtay in Gray kula kulantay App-ka haasaawaha ee Tinder 2018-kii. Waxay tiri, wuxuu ahaa qof si fiican kuu dhageystsa taas oo aheyd wax aan markaas aad ugu baahnaa

Kulankoodii saddaxaad ayey Jessica sheegtay in gurigiida iyago jooga ay suuliga aaday. “ boorsadeyda ayaan kaga tagay miiska cuntada, kaddib ayuu sawirro ka qaaday sharciga gaariga aan ku wado iyo bangiyadeyda” ayey tiri. waxay markii dambe ogaatay in lagu leeyahay lacag ka badan toban kun oo doolar.

inkastoo uu sheegay Gray inuu lacagta soo celinayo hadana Jessica waxay aaday booliska.

Gabar kale oo la yiraahdo Hanna ayaa sheegtay in uu ahaa qof ugu horeyn deggan oo kalsooni ku siinaya.

Ad
Previous articleGeerida Malaaqii lagu naaneysi jiray “AK-47” ee muddada dheer ka tirsanaa al-Shabaab iyo kaalintii uu ku lahaa go’doominta Xudur
Next articleMadaxweynaha Ukraine Zelensky oo ka badbaaday shirqool dil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here