Home Wararka Somaliya Puntland Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo yeeshay Kulan Hordhac ah

Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo yeeshay Kulan Hordhac ah

0

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe kulan horudhac ah ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay gaaray Garoowe & Madaxweynaha martida loo yahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa wararka la helay ay sheegayaan inay uga wada hadleen Arrimaha Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan bilaaban doona.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kulan kooda ku go’aamiyeen in aysan Doorashada iyagu hor bilaabin si ay u qiimeeyaan Dowlad Goboleedyada kale hadba sida ay u maamulaan doorashada Golaha Shacabka.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in kulan weyn oo gaar ah ay yeeshaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo xulafo gaar ah, kaas oo ay uga tashan doonaan doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa degaan doorashadoodu tahay puntland iyo Jubbaland iyo guud ahaan doorashooyinka dalka

Ad
Previous articleDowlada oo beenisay in Raisal Wasaare Rooble uu la Kulmayo Ahlu-suna
Next articleWiil Dhalinyaro ah oo lagu Dilay Magaalada Cabud-waaq ee Maamulka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here