Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudiga Doorashooyinka koonfurgalbeed oo Markale Ka Horyimid go,aankii Maantay Kasoo Baxay Guddiga...

Gudiga Doorashooyinka koonfurgalbeed oo Markale Ka Horyimid go,aankii Maantay Kasoo Baxay Guddiga Doorashooyinka FIET

0

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa ku gacan sayray qaraarka gudida hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal ee ku aaddan in dib loo soo doorto xubnaha ay guddigaasi hakiyeen ee Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo BBC-da la hadlay ayaa hadalka guddiga ka soo baxay ku tilmaamay “mid aan meesha qaban”.

Wuxuuna intaas ku daray in guud ahaan doorashada oo dhan uusan khalad ka marnayn isla markaana aysan gar ahayn gar ahayn in kuraasta deegaankooda laga soo doortay oo keliya lagu koobo wixii khaldamay,

Guddoomiya ayaa sidoo kale sheegay in “doorashadii iyo habraaceedii ay si sharaf leh u soo dhammeeyeen”. asagoo sheeegay in haddi wax khaldani ay jiraan ay Soomaali oo dhan ka khaldan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee muranka ka dhashay kuraastaan la hakiyey ayaa khilaaf ka dhex abuuray qaar ka mid ah dowlada goboleedyada iyo Raysal wasaaraha, kaas oo aan wali xal loo helin.

Ad
Previous articleHirshabeele oo shaacisay Kuraas dhawaan la Dooranayo yaa Ku Fadhiyay(Akhriso)
Next articleKooramkii labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Buuxsamay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here