Home Wararka Maanta Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka lacagaha laga Qaadaayo oo la shaaciyay

Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka lacagaha laga Qaadaayo oo la shaaciyay

0

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw meel mariyay  xeerka doorashooyinka guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya .

Kulanka maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ay soo xaadireen in ka badan 200-Xildhibaan ayaa Baarlamaanka lagu horgeeyay xeer ay soo diyaariyeen guddiga doorashada labada aqal, waxa ayna Xildhibaanada meel mariyeen xeerkan.

Guddiga doorashada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isbadal ku sameeyay lacagihii horey looga qaadi jiray musharaxiinta isku soo taagta Doorashada Madaxweynaha iyo guddoonka labada aqal.

Sida guddiga doorashada gudoonka labada aqal waxaa musharaxiinta u tartameysa Guddoomiyaasha labada aqal laga qaadayaa lacag gaareysa 20-kun oo dollar, halka kuxigeenada laga qaadayo lacag dhan 15-kun oo dollar.

Musharaxiinta isku diiwaangelineysa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa iyana laga qaadi doonaa lacag dhan 40-kun oo dollar, waxaana lacagahan lagu shubayaa akoon laga furay bangiga dhaxe ee Soomaaliya.

Doorashada Guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamanaka federaalka ayaa la shaaciyay in ay dhaceyso 27-da bishan, waxaa sidoo kale guddiga shaaciyeen habraacyada loo marayo doorashada.

Ad
Previous articleCismaan Macalimuu oo Sheegay inay Soo Weerareen Ciidamo ku Heyb ah Madaxweyne Farmaajo
Next articleDeg Deg: Qarax Ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya Xili Dood Socotay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here