Home Wararka Somaliya Jubbaland Cismaan Macalimuu oo Sheegay inay Soo Weerareen Ciidamo ku Heyb ah Madaxweyne...

Cismaan Macalimuu oo Sheegay inay Soo Weerareen Ciidamo ku Heyb ah Madaxweyne Farmaajo

0

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo u abaabulnaa qaab beeleed ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ka degan yahay Guddoomiyihii hore ee gobolkaasi Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay xilligii suxuurta gurigiisa kusoo weerareen ciidamo milatari ah uu sheegay in ay ku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo .

Macalimuu ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray ujeedkoodu ahaa in ay dilaan balse uu ka badbaaday, waxa uuna xusay in shirqoolka isaga ka dhanka ahaa soo maleegeen saraakiil iyo xubno kale oo jufo hoose la ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa mar kamid ahaa dadka sida aadka ah ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo kana hirgalinayay gobolka Gedo rabitaanka Madaxweynaha, hasa ahaatee Macalimuu ayaa waxaa xiriirka u jartay xilkiina ka qaaday Villa Soomaaliya .

Ad
Previous articleRuushka oo ka hadlay tirada askarta uu ku laayay Dagaalka uu ku Qaaday Ukrain
Next articleMusharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka lacagaha laga Qaadaayo oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here