Home Wararka Maanta Yaa Ku guulaystay Kursigii u ku Fadhiyay Wasiir Jamaal oo Maalmahan Muran...

Yaa Ku guulaystay Kursigii u ku Fadhiyay Wasiir Jamaal oo Maalmahan Muran Xoogan ka Taagnaa

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashoodu tahay Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 ee uu horey ugu fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Kursigan oo aad isha loogu hayey, isla-markaana ay ka dhalatay dood xoogan ayaa waxaa ku soo baxay Cali Mahdi Maxamed oo aad ugu dhow madaxweynaha Puntland.

Cali Mahdi oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 97 Cod, kadib markii loo xiray kursigan, iyadoo loo diiday tartanka Jamaal oo uu khilaaf kala dhexeeyo maamulka Deni.

Xildhibaanka cusub oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay guushiisa, wuxuuna yiri “Waxaa la mid ah xildhibaanada Soomaaliya laga doortay iyo kuwa maanta la doortay, kuligeena waxaa na saaran oo nalaga rabaa dalka Soomaaliya inaan ugu adeegno afarta sano ee soo socota,”.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hadal heynta ka dhalatay kursiga HOP#169, wuxuuna ballan qaaday inuu u adeegi doono deegaanka laga soo doorto iyo dadka Soomaaliyeed.

“Kursiga ugu hadal heynta badan ee aan kusoo baxay ma noqon doonaa mid shaqadii looga baahnaa qabta? Waxan rajeynayaa aniga oo kalsooni badan ku qaba Ummadda isoo dooratay inaan shaqo la taaban karo u qaban doono,” ayuu yiri xildhibaan Cali Mahdi.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Kursigan dabcan qof ayaa ku guuleysan lahaa anaana ku guuleystay waajibka i saaran waxaa weeye inaan Ummadda isku uruuriyo, isla-markaana aan dadka u shaqeeyo, waana mas’uuliyadda saaran dhamaan xildhibaanada,”.

Si kastaba, guusha Cali Mahdi ayaa meesha ka saareysa booskii Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo kursigan horey ugu fadhiyey, isla-markaana ka mid ah saaxibada Villa Somalia

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleWar Cusub oo Horleh oo kasoo Kordhay Cunaqabataynta Maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Qatar