Home Wararka Maanta yaa ka qeybgalay, yaase ka maqnaa Dabaal daga Maalinta CXDS?

yaa ka qeybgalay, yaase ka maqnaa Dabaal daga Maalinta CXDS?

0

Munaasabadda maalinta ciidamada Soomaaliya ee todobaadkan sida weyn loo hadal hayay ayaa maanta ka dhacday Muqdisho.

Xuska oo baaqday labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa se ka maqnaa ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xuska maanta ayaa dhowr arrimood uga duwanaa kuwii hore:

Khilaafka Madaxda Sare

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo labaduba ku sugan Muqdisho ayaa saaka ka maqnaa munaasabadda 62 guurada ka soo wareegtay asaaska ciidanka xoogga Soomaaliya oo ka dhacday wasaaraddda gaashaandhigga.

Tani ayaa muujinaysa khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble. Wasiirka gaashaandhigga oo xulafo la ah ra’iisal wasaaraha ayaa muuqaal uu xalay soo duubay hambalyo hordhac u diray ciidamada.

“Ciidamada Qalabka Sida guud ahaan waa hay’ado dastuuri ah oo aan dhicin, waqti ka dhamaan, sidaa darteed waxaa laga doonayaa iyaga iyo taliyayaashoodu in aysan yeelan sumad iyo ujeedooyin aan aheyn kuwa qaranka ee dastuuriga ah, kana feejignaadaan ku milanka siyaasadaha is diidan ee waqtiga la dhammaan doono,” ayuu wasiirka ku qoray bartiisa Facebook.

Marka la eego halka uu gaaray khilaafka labada mas’uul ee ugu sarreeya dalka, waa muuqatay in xilligan la joogo aysan xaflad ka wada qeybgeli karin.

Warbaahinta dowladda oo tan iyo markii uu khilaafka xoogaystay u janjeertay dhanka ra’iisal wasaaraha ayaa maanta si toos ah u tebisay munaasabadda iyo weliba khudbadda uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Ad
Previous articleFARMAAJO: Waxaa la ii ballan qaaday aniga dib u doorashadeyda, haddii aan ka Tanaasulilhaa Dacwada Badeena
Next articleMaxa La Filaayay inuu Maantay Farmaajo Ka Hadlo Balse uu ka Gaabsada(akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here