Home Wararka Maanta Maxa La Filaayay inuu Maantay Farmaajo Ka Hadlo Balse uu ka Gaabsada(akhriso)

Maxa La Filaayay inuu Maantay Farmaajo Ka Hadlo Balse uu ka Gaabsada(akhriso)

0

Khudbadda Farmaajoiyo waxyaabihii uu ka gaabsaday

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dheeraaday waxa uu ka qabtay dib u dhiska ciidamada, gaar ahaan diiwaangelintooda iyo mushaar siinta.

Khudbadda oo dadka qaar ay u fasireen olole uu Madaxweynaha ku doonayo dib u doorasho, ayaanu marna uga hadlin arrimaha taagan ee doorashada.

Doorashada Soomaaliya ayaa maraysa meel xasaasi ah. Afar kursi oo uu celiyay guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa waxaa ka dhalatay in Koonfur Galbeed ay xiriirka u jarto ra’iisal wasaaraha.

Waxaa afartaas kursi kamid ah mid doorashadiisu ay ka dhacday Beledweyne oo uu ku soo baxay taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka qaranka, ahna la taliyaha amniga ee Madaxweynaha, Fahad Yaasiin.

Khamiista soo socota ayaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni lagu dhaariyo xildhibaannada shahaadada qaatay oo uu guddigu sheegay inay tiradooda ka badan tahay 200 oo ka tirsan labada gole.

Lama oga in ra’iisal wasaaraha oo mas’uul ka ah doorashada uu go’aamin doono fadhiistan xildhibaannada labada aqal iyo doorashada guddoonkooda, xilli ay maqan yihiin Koonfur Galbeed iyo 16-ka kursi ee yaalla Garbohaareey

Ad
Previous articleyaa ka qeybgalay, yaase ka maqnaa Dabaal daga Maalinta CXDS?
Next articleWasaarada Amniga Dowlada Soomaaliya Oo Dib Fasaxday in la Furo Terminalka MOVECON oo Dhawaan la xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here