Yaa ka danbeeyey weerarkii Salman Rushdie – Qoraaga buugga “Aayadaha Shaydaanka”

Qoraaga British-ka ah ee Salman Rushdie ayaa Jimcihii lagu mindiyeeyey isaga oo ka hadlaya masraxa machadka Chautauqua Institution ee galbeedka gobolka New York ee dalka Mareykanka.

Salman Rushdie oo 75 jir ah ayaa 1988-kii qoray buug uu ugu magac daray “Aayadaha Shaydaanka” oo uu ugu gefay qur’aanka kariimka iyo Nebi Muhameed NNKH.

Booliska New York ayaa hadda shaaca ka qaaday in ninka weerarka fuliyey uu yahay Hadi Matar oo ah 24 jir degan magaalada Fairview ee gobolka New Jersey ee ku dheggan gobolka New York.

Booliska waxay kale oo ay sheegeen in weli aysan garaneyn sababta uu Hadi u weeraray Salman Rushdie, islamarkaana ay FBI-da kala shaqeynayaan inay go’aan ka gaaraan arrintaas.