Yaa badali doona Wasiirkii Amniga Galmudug ?

Waxaa Maanta is casilay Wasiirkii Amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi waxuuna Sheegay inuu isku casilay Arimaha Ahlusuna iyo Galmudug ka dhaxeeya.

Fiqi Ayaa Facebook ku shaaciyay is casilaadiisa waxayna Timid ka dib Markii asiga iyo Madaxweyne Qoor Qoor ay isku Fahmin waayeen Qaabka Loo wajahayo Ahlusuna Waljameeca.

Waxaa aad Isha Loogu hayaa cida badalaysa Wasiir Fiqi Maadaama Galmudug ay tahay Goob ay ka socdaan Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo iska Soo Horjeeda.

Galmudug xiligaan Doorashada ah waxay Lugta La gashay dhibaatooyin Hor Leh oo ay abuureen Dad taageersan Ahlusuna Waljameeca.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*