Home Wararka Maanta Xuutiyiinta Yeman oo War kasoo Saaray Weeraro Ba’an oo Maraykanka iyo Ingiriisku...

Xuutiyiinta Yeman oo War kasoo Saaray Weeraro Ba’an oo Maraykanka iyo Ingiriisku ku Qaadeen Yeman

0

Afhayeenka Milatari ee kooxda Ansaarullah ee Xuutiyiinta Yeman Janaraal Yaxye Sariic ayaa sheegay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku ay 48 weerar oo xagga cirka ah ku qaadeen, saacaddihii hore ee habeenimadii Axadu soo galaysay, deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Yeman.

Sariic waxa uu intaa ku daray “13 weerar waxa lagu qaaday gudaha caasimadda iyo gobolka Sanca, 9 weerar waxa lagu qaaday gobolka Xudeyda, 11 weerar waxa lagu qaaday gobolka Tacis, 7 weerar waxa lagu qaaday gobolka Baydaa, 7 weerar waxa lagu qaaday gobolka Xijah, weerar kalena waxa lagu qaaday Sacda”.

Janaraal Sariic ayaa sheegay in weerarradan aanay ka niyad jabin doonin mowqifkooda “akhlaaqeed, diineed iyo aadaninimo ee ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qasa, mana dhici doonto jawaab iyo ciqaab la’aan”.

Ad
Previous articleCunugaar Yar oo Sabab Yaab leh loogu Xiray Muqdisho iyo Booliska oo Soo Badbaadiyay
Next articleWaa kuma Muxudiin Daqarre ee Kasoo Jeeda Galmudug ahaana Gacanyarihii Hoogaamiyaha Alshabaab ee Shalay Gacanta Lagu Dhigay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here