Home Wararka Maanta Cunugaar Yar oo Sabab Yaab leh loogu Xiray Muqdisho iyo Booliska oo...

Cunugaar Yar oo Sabab Yaab leh loogu Xiray Muqdisho iyo Booliska oo Soo Badbaadiyay

0

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bad-baadiyay ilmo yar oo saddex sano jir ah, kaas oo sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay sidoo kale ka qayb-qaateen ciidamada Dharcadda ee NISA ayaa waxaa lagu soo bad-baadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan oo saddex sano jir ah, kaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen in muddo lix saacadood ah lugu xiray guriga ay kasoo dhex saareen.

Sababta halkaasi loogu xiray ayaa waxaaa lagu sheegay dhaqan celin, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

“Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA, qaybteeda Dharcadka ee Degmadaas ka hawl-gasha ayaa soo bad-baadiyay cunug yar oo 3 sano jir ah oo lagu xiray guri ku yaala Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Cunuga yar oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Xasan ayaa ku xidhnaa mudo 6 saac ah guri lagu sheegay dhaqan Celin”.

Dhinaca kale falcelin xoogan ayaa ka dhalatay falka lagula kacay wiilkan yar, waxaana qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in lasoo xiro dadka gaystay falkaasi.

Daahir Jimcaale “Saddex jir maxaa laga dhaqan cilinaa? kuwa gurigaas ku xiray ayaga dhaqan celin haloo diro”.

Xasan Cabdi ayaa yiri “Subxaanallah saqiirkan dhaqan celinta loo sameynaayo maxa waayay? aduunyo hadaa joogto wax lee arkeysaa yaaab”.

Cabdiraxmaan Cabdi ayaa isna falcelintiisa ku yiri “Dhaqan celin iyo saddex sano yaab badanaa”.

Xasan Indheey ayaa isna ku jawaabay “Dhaqan celin maahee ilma la xaday dhaha walba waxaas arrin maahee”.

Ad
Previous articleGadiidkii Alshabaab ku Qaateen Magaaldo ku Taal koonfurta Gobalka Mudug oo Saraakiil iyo Askar loo Maxkamadaynaayo
Next articleXuutiyiinta Yeman oo War kasoo Saaray Weeraro Ba’an oo Maraykanka iyo Ingiriisku ku Qaadeen Yeman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here