Home Wararka Maanta Xuutiyiinta Yeman oo ku biiray dagaalka kasocda Gaza, weerar gantaallo-na ku qaaday...

Xuutiyiinta Yeman oo ku biiray dagaalka kasocda Gaza, weerar gantaallo-na ku qaaday Israel

0

Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Talaadadii wacad ku maray weeraro dheeri ah oo ka dhan ah Israel, haddii ay sii waddo dagaalka ka dhan aha Xamas ee Gaza, ayaga oo sheegay inay mar horeba ay diyaarado drone ah iyo gantaallada basllitic-ga ah ku weerareen Israel.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen… waxa ay xaqiijinayaan in ay sii wadi doonaan duqaymaha tayada leh ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, illaa ay ka joogsanayaan gardarrooyinka Israel,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xuutiyiinta oo laga sii daayay TV-gooda Al-Masirah.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta ay “tiro gantaallo ballistic ah oo baaxad leh… iyo tiro badan oo diyaarado hubaysan ah ay u direen” dhanka Israel Talaadadii.

Waxay sheegaan inuu ahaa hawlgalkii saddexaad ee noocan oo kale ah oo ay la beegsadaan Israel tan iyo markii weerarka Gaza uu billowday 7-dii October kadib markii dagaalyahannada Xamas ay qaadeen weerarkii ugu xumaa ee lala beegsado Israel.

Goor sii horreysay militariga Israel ayaa sheegay in “diyaarad cadow ay soo gashay” hawada magaalada Eilat, ee ku teedsan badda cas, ayaga oo goor dambena sheegay in dhexda laga qabtay gantaallo lagu soo weeraray Israel.

“Dhammaan halisaha hawada waxaa lagu qabtay meel ka baxsan dhulka Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka militariga Israel.

Abdelaziz bin Habtour, oo ah Ra’iisul Wasaaraha dowladda Xuutiyiinta, ayaa Talaadadii sheegay inay “qayb ka yihiin tiirka iska caabinta” ee ka dhanka ah Israel, oo ay ku jiraan kooxaha Tehran ay taageerto ee Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, ayna ku dagaalamayaan “hadallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”

“Waa hal tiir, waxaana socda isku xirnaan, qol hawlgal oo wadajir ah, iyo talis wadajir ah oo ka dhaxeeya dhammaan hawlgalladan,” ayuu yiri.

“Ma ogolaan karno in cadawgan Sahyuuniyadda ah ee kibirka badan uu dadkeena laayo.”

Xuutiyiinta ayaa caasimadda Yemen ee Sanca iyo qeybo badan oo dalka ka mid ah qabsaday 2014-kii

Dowladda Mareykanka ayaa jawaab taxaddar leh ka bixisay hadalka Xuutiyiinta. “Cid kasta oo ku fakareysa inay ku biirto dagaalkan, ma ahan inay sidaas sameyso,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Matthew Miller oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Afhayeenka Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder ayaa xaqiijiyay in Israel ay soo ridday gantaal riddada dhexe ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta.

“Sida aan horay u sheegnay, waxaan rabnaa inaan ka hortagno dagaal ballaaran oo goboleed,” ayuu yiri Ryder.

Israel ayaa Xuutiyiinta ku eedaysay weerar ay fuliyeen diyaarado Drone ah Jimcihii, iyadoo sheegtay in diyaaradaheedu ay dhexda ka qabteen “bartilmaameedyo cadow” oo ku sii jeeday koonfurta Israel.

Isla waqtigaas, lix qof ayaa dhaawacyo fududi ay ka soo gaareen burburka dhismo ku yaalla xuduudda Eilat oo u dhow magaalada dalxiiska ee Taba ee dalka Masar, sida ay sheegeen ciidammada Masar xilligaas.

19-kii October, ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in ay soo rideen saddex gantaal oo ah nooca dhulka lagu rido iyo “dhowr” diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Xuutiyiintu ay soo tuureen, lagana yaabo in ay ku socdeen Israel.
Ad
Previous articleMaamulka Soomaaliland oo Saakay Toogtay 5 Qof
Next articleGolaha Ammaanka ee QM oo ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here