Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka...

Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya

0

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii ansixiyey qaraar lagu cusbooneysiinayo muddo xileedka howlgalka QM ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, illaa 31-ka October 2024.

Qaraarka 2705, oo ay si aqlabiyad ah isugu raaceen 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ayaa ka codsanaya UNSOM inay sii waddo joogteynta iyo xoojinta joogitaankeeda Soomaaliya, ayada oo la tashaneysa dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, iyo Midowga Afrika.

Wuxuu ku dhiirigelinayaa UNSOM inay sii waddo isku-duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, oo ay kordhiso hababka wadajirka ah iyo barnaamijyada wadajirka ah ee meelaha ay khusayso, si loo taageero dowlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya.

Anna M. Evstigneeva (Ruushka), oo codeynta kadib hadashay, ayaa sheegtay in wafdigeeda ay taageersan yihiin go’aankan maadaama Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim u ah taariikhdeeda casriga, dowladda Federaalkana ay la dagaalamayso caqabado badan, oo ay ka mid tahay sii socoshada cunaqabateynta hubka.

Geng Shuang (Shiinaha) ayaa sheegay in wafdigiisa ay u codeeyeen qaraarka maadaama muddo kordhinta UNSOM ay tahay mid lagu taageerayo hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Howlgalka Somaaliya ee QM ayaa soo dhoweeyey ansixinta qaraarka lagu kordhiyey muddo xileedka UNSOM, oo hadda galaya sanadkii 10-aad tan iyo markii howlgalka uu ka shaqo billaabay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay in joogitaanka UNSOM uu muhiim u yahay la-dagaalanka argagixisada balse waxay xustay in argagixisada aan looga guuleysan karin oo kaliya hab militari, balse sidoo kale ay tahay wax laga qabto arrimaha dhiiri-geliya sida fursad la’aanta dhaqaale.

UNSOM ayaa waxaa aas-aasay Golaha Ammaanka ee QM June, 2013, si loo taageero dowlad dhiska iyo nabad-dhiska Soomaaliya.
Ad
Previous articleXuutiyiinta Yeman oo ku biiray dagaalka kasocda Gaza, weerar gantaallo-na ku qaaday Israel
Next articleKoonfurgalbeed oo uu ka Bilowday Dagaalka Ka Dhan ah Alshabaab iyo Magaalooyin Durbaba Alshabaab laga Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here