Home Wararka Maanta Xulistu waa fududahay ee xujadu waa howsha laga sugayo Caqabadaha Ku Horgudbban...

Xulistu waa fududahay ee xujadu waa howsha laga sugayo Caqabadaha Ku Horgudbban Wasiirada Maantay La Magacaabay

0

Magacaabista 4 wasiiir oo kamid ah wasiirada cusub, sida arimaha dibadda, gudaha, Amniga iyo Tamarta ayaa u baahan in la faaqido waxay ka baddalikaraan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Arimaha dibadda iyo Khabiir Fiqi, isagu wuxuu kaga duwanyahay, intooda badan ma jirto mushkilad siyaasadeed oo ka jirta gobolkiisa oo ka mashquulinkarta shaqadiisa dibadda. Mushkiladaha horyaala ee dibadda lama hubo waxa uu ka galo iyo khibraddiisa diplomasiyadeed, waloow uu yahay dabci ahaan nin aad isugu kalsoon oo cid walba la fariisan kara.

Ammniga gudaha; Gen. Fartaag culeys iyo khilaaf siyaasadeed oo aan dhib yareyn ayaa ka jira gobolkiisa, waxaana u wehliya ammaanka guud ee dalka oo ku jira dagaal. Waa shaqsi saameyn leh wax weyn ka qabankara gobolkiisa haddii uu la yimaado siyaasad ka duwan wasiiradi ka horeeyay.

Tamarta iyo biyaha: Bidhaan waa shaqsi siyaasad ahaan aad ugu xiran deegaankiisa Khaatumo oo taageero weyna kuleh. Culeys kalama kulmidoono in SSC uu ku soo xiro dowladda Xasan Shiikh oo waa laga taageersanyahay, ee waxaa horyaala sidi uu dowladda ugeyn lahaa Khaatumo oo ay u heli lahaayeen adeegyadi uga xirnaa.

Arimaha gudaha: Cali Xoosh waa nin laga yaqaano Puntland, oo siyaasad ahaan aysan heshiis ahayn Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa. Lama hubo waxa uu ka galikaro xal u raadinta Puntland iyo dowladda dhexe, sidoo kale waa wasiirka maanta laga sugayo xal u helista mushkiladda ugu weyn ee gudaha ka jirta ee khilaafka Puntland iyo Dowlada Federalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleWaa kuma Axmed Macallin Fiqi, siyaasiga xilalka badan soo qabtay?
Next articleDuqaymo Culus oo Caawa lagu Garaacay Alshabaab Isku aruuursanaayay Duleedka Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here