Home Wararka Somaliya Galmudug Duqaymo Culus oo Caawa lagu Garaacay Alshabaab Isku aruuursanaayay Duleedka Xarardheere

Duqaymo Culus oo Caawa lagu Garaacay Alshabaab Isku aruuursanaayay Duleedka Xarardheere

0

Degaanka Baraag-gur-guurte oo qiyaastii 20 KM u jirta degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka mudug diyaaradaha dagaalka ayaa goordhow duqeymo culus kula eegtay maleeshiyaad badan oo ku sugnaa.

Alshabaab ayaa maalmahan degaankaasi kusoo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga duqeeymaaha la la beegsaday halkaa ku sugnaa gadiid dagaal iyo xubno ka tirsan Alshabaab gadiidka Alshabaab laga gubay ayaa gaaraya sadax gaari Siday ay Goordhow Shaacisay Dowlada Soomaaliya.

Dhawaan Ayay ahayd Markii Alshabaab Doonaayay inay Qabsadaan Magaalada Xarardheere lalagalay dagaal Qaraar oo Socday ku Dhawaad 7 Sacadood kaasoo oo ugu Danbayn Alshabaab ku Qasbay inay Dib igu laabtaan Goobihii ay kasoo Duuleen.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Qoor ayaa Dhawaan Booqday Magaalada Xarardheere kuwaas  oo Abaal Marin Siiyay Ciidamadii Dagaalka Culus lagalay Alshabaab.

Ad
Previous articleXulistu waa fududahay ee xujadu waa howsha laga sugayo Caqabadaha Ku Horgudbban Wasiirada Maantay La Magacaabay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala Saxiixday Heshiis Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here