Home Wararka Somaliya Xukuumda Somaliya oo ka hadashay Duqeymaha Kenya iyo Caruur lagu la’yahay Dalka...

Xukuumda Somaliya oo ka hadashay Duqeymaha Kenya iyo Caruur lagu la’yahay Dalka Erteria

0
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abokor Dubbe ayaa shir jaraa’id uu goordhaweyd ku qabtay Xarunta Wasaraarada isagoo ka hadlay duqeyntii dhawaan ciidamada Kenya diyaaradaheeda ku garaaceen Gobolka Gedo.
Waxa uu cambaareeyey falkaasi wuxuushnimada leh isagoo sheegay in Ceel waaq lagu dilay Qoys hooyo iyo Carruurteeda oo guri ay kusugnaayeen gantaal ku dhacay.
Wasiir Dubbe ayaa amar kusiiyey Dawlada Kenya in Duqeyn markii ay fulinayaan wixii hadda ka dambeeya ay kusoo war geliyaan Dawlada Soomaaliya iyo Taliska AMISOM.
Waxa uu shirkiisa Jaraa’id kusoo hadal qaaday Arinta Ciidamada Soomaaliya tababarka loogu qaaday Dalka Erteria isagoo sheegay in la siyaasadeeyey arimaha ciidanka.
Wasiirka ayaa xaqiijiyey in ciidamo Tababar ujiraan Dalka Ereteria,isagoo beeniyey in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaalkii Gobolka Tigreega.
Ad
Previous articleBanaanbax Looga soo Horjeedo Dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacaya Muqdisho
Next articleHirshabelle iyo Konfur Galbeed oo soo Badalay Liiska Guddigii Lagu Muransanaa (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here