Banaanbax Looga soo Horjeedo Dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda Qaban qaabada Banaanbax ka dhan ah Dowladda Soomaaliya kuna saabsan Dhalinyaradii dhawaan ay Tababarka u qaadeen oo wili Jawaab Laga helin.

Waxaa dhigaya Dibadbaxa Hooyooyin Soomaaliyeed waxayna Muujinayaan Shucuurtooda waalidnimo Maadaama Dowladda Soomaaliya ay Afka ka xiratay in Waalidiinta ay la hadasho islamarkaana ay qanciyaan.

Qaar ka mid ah Ehelka oo La hadlay Mudug24 ayaa sheegay in ay xiri doonaan dhamaan Kontaroolada Laga galo Madaxtooda dalka si Dowladdu u aragto Culeyska shacabka Haysta.

Dhowr jeer ayay dhigeen Banaanbaxyo Nuucaan ah balse kani waxuu imaanayaa xilli dhawaan Qaramada Midoobey ay shaacisay in dhalinyara Soomaaliyeed laga qeyb galiyay dagaal ka dhacay itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*