Home Wararka Maanta Xukuumada Soomaaliya oo War ka sii saartay Qabsoomida Shirka Maanta

Xukuumada Soomaaliya oo War ka sii saartay Qabsoomida Shirka Maanta

0

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii loo ballansanaa in uu maanta Muqdisho ka furmo uusan qorshihiisa waxba iska badalin islamarka uu ku dhici doono waqtigii loogu talagalay.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa BBC u sheegay in qaar ka mid ah wufuudda ka qeyb galaysa shirka ay mar hore Muqdisho soo gaareen.

“Insha allah haddii uu eebe idmo maanta wuu furmayaa shirka 20 May lagu ballamay, maqribadii waxaa yimid madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay,” ayuu yiri Mr Maclimu.

Afhayeenka xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in maanta galinka hore ay filayaan in Muqdisho ay soo gaaraan madaxda kale ee shirka ka qeybgalaysa.

Sidoo kale galinka hore ee saaka waxaa la filayaa inay magaalada yimaadaan madaxwaynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed soomaaliya iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani,”ayuu intaa ku daray.

Mr Macallimu ayaa xusay in madaxwaynaha Hirshabeele laga yaabo in imaanshiyihiisa uu dib u dhac ku yimaado oo uu maalin shirka ka soo dib dhaco.

“Maadaama arrimo tacsi iyo waxaasi ay jiraan, waxaa laga yaabaa in uu maalin dib u dhaco madaxwaynaha dowlad goboleedka Hirshabeele laakiin inta kale way imanayaan,”ayuu yiri.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay wax walba oo shirka ku saabsan ay diyaarisay islamarkana aysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan qabashada shirka.

Xigasho BBC Somali

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Caawa soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb-galo Shirka Doorashada (Sawiro)
Next articleMadaxeweynaha Konfur Galbeed oo Muqdisho soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here