Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50 Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Alshabaab ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan.
Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa
Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday
Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi
waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.