Home Wararka Maanta Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka Shiray in La xiro aaladaha Tiktok Telegram...

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka Shiray in La xiro aaladaha Tiktok Telegram iyo 1XBET

0

Shirkii khamiis laha ahaa ee Maantay ayaa waxaa looga Hadlay Xalaada Dhawaan ka Taagnayd Wadanka Soomaaliya ee ku aadanayd Xiritaanka aaladaha TIKTOK, Telegram iyo aalada 1XBET taas oo uu dhawaan wasiirka isgaarsiinta soomaaliya amar ku bixiyay in sadex maalmood guduhood soomaaliya looga xiro Taas oo ku eg caawa saqda dhaxe.

wasiirka isgaarsiinta soomaaliya ayaa maantay hadal uu ka jeediyay Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya ka codsaday in lagu taageero Go,aankiisii ahaa in la xiro aladahaan taas uu ku sheegay inuu haysto cadaadis kaga imanaaya Bulshada.

balse Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dib ugu celiyay Codsigiisii ayagoo usoo jeediyay inuu dib u eegis ku sameeyo go,aankiisa iyo sidoo kale inuu cadeeyo sababaha uu u xiraayo aaladahaan sidoo kalana uu wadatashi lasoo yeesho bulshada rayidka si loo ogaado go,aanadooda.

sidoo kale waxaa lagu amray inuu lasoo tashto shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya internetka iyo waliba dhalinyarada ka faaidaysta alladahaan.

wasiirkaan ayaa go,aankiisa horay waxaa u diiday Gudiga baarlamnka soomaaliya u qaabilsan arimaha isgaarsiinta Wasiirada ayaana wasiirkaan ku eedeeyey inuusan la tashan Golaha Wasiirada Soomaaliya kahor inta uusan Qaadan Go,aanka lagu Xiraayo aaladahaan.

Horay waxaa Go,aankaan u diiday Maamulka Soomaaliland iyo Maamulka Puntland oo cadeeyey inuusan Qusayn Go,aanka Kasoo baxay Wasiirka isgaarsiinta soomaaliya sidoo kale dhlinyarada isticmaasha Aladahaan ayaa si wayn uga soo horjeestay Go,aanka wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya.

 

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Magacaabay Sadex Xubnood oo..
Next articleXukunka Xaasaskii Alshabaab ee la qabtay iyagoo Gaari qaraxyo ku sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here