Home Wararka Maanta Xukunka murankii ka bilowday Gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa oo...

Xukunka murankii ka bilowday Gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa oo lagu Riday Maxamed Cabdixakiin Maxamed

0

Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishaan.

Garsoorka Maxkamdda Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda waqti ku filanna siiyay ayaa ugu danbeyn maanta ku xukumay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaastii marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCismaan Maxamuud Barre oo Shaqa layaab leh Alshaab u Direen oo Xarardheere lagu Qabtay
Next articleDhalinyaro Fal layaab leh ka Gaystay Kismaayo oo lasoo Qabtay(Sawiro)